War deg deg: Shirkii Maamul u samaynta Jubbooyinka oo dib u dhac ku yimid
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid Shirkii Maamul u samaynta deegaanada Jubbooyinka, oo lagu balan sanaa inuu Maalinta bari ah oo Taariikhdu ku beegantahay 23/Feb/2013 ka furmo Magaalada Kismaayo
Wariyaha Magaalada Kismaayo ayaa soo shegaya goor danbe oo galabta ah 22/Feb/2013 Shir Jaraa’id ku qabteen Magaalada Kismaayo Gudiga Farsamada Maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaana ay sheegeen inuu dib u dhacay mudo kooban Shirkii Maamulka loogu samaynayay Jubbooyinka.
Gudiga ayaa ku sababayeeyay baaqashada Shirka inay ka danbeysay kadib markii ay soo daaheen Ergooyinkii ka socday gobolka Gedo iyo Sidoo kale Wafdi ay Dowladdu usoo diri lahayd Shirka.
Goordhow kala soco Saadaal Media Shirkii Jaraa’id ee Kismaayo ku qabteen gudiga Farsamada








