War deg deg:- Wafdi ka socda Turkiga oo goordhow soo gaaray Muqdisho
Waxaa goordhow kasoo dagay garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) Wafdi balaaran oo ka socda dowladda Turkiga.
Wafdigani ka socda Turkiga ayaa waxaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo horboodayso Wasiirada Arimaha dibada ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeen Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan.
Wafdigani ka socda Turkiga ayaa waxaa horkacaya Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag iyo wasiirka horumarinta ee dalkaas Cevdet Yilmaz, waxaana ay iminka ku suganyihiin garoonka aadan Cadde.
Wafdigani ayaa imaanaya Iyadoo mudooyinkii dambe ay isdabajoog ah magaalada caasimada ee Muqdisho soo gaarayeen mas’uuliyiintan uu heer koodu sareeyo oo ka kala socda caalamka .iyagoona wafuuda ka socda turkiga ay ka duwan yihiin kuwa kale maadaama dowladda Turkiga ay Soomaaliya dhinacyo badan iska kaashanayeen sida hormarka .waxbarashada ,dib udhiska iyo qalabaynta ciidamada.
Wararkeena danbe kala soco Khudbadaha Wafdigaasi Jeediyaan








